Amaanka Xeebta Liido oo Maanta aad loo adkeeyay Sawiro

Xeebta Liido, oo ah meel ay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho u damaashaad tagaan kuna nastaan maalinka Jimcaha, ayaa maanta ahayd mid kaduwan sidii lagu yaqiin.

Ciidamo aad ufarabadan oo isugu jira Ciidanka booliska iyo kuwa nabad sugida ayaa amaanka aad u sugayay, iyagoo baarayay baabuurta gaarka loo leeyahay ay wataan dadka xeebta imaanaya, sidookale waxay hal hal u baarayeen qof walbo oo Xeebta imaanayay, amaanka waxa uu ahaa mid aad u xoogan, mana jirin wax dhibaato ah oo maanta dhacay.

Dhanka kale, Ciidamada nabad sugida ayaa gacanta ku dhigay laba dhalinyaro oo kamid ahaa dadka xeebta ku sugnaay, maar aan isku daynay inaan ogaano sababta loo xiray, ayaa mid kamid ah dadkii ka ak dhawaa waxa uu noo sheegay in laga soo qabtay mid kamid ah guryaha jajabsan ee xeebta ku yaal iyagoo ku jira.

Labadii Jimco ee lasoo dhaafay, ayaa Xeebta Liido waxaa ka kala dhacay laba weerar, oo ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa iyo baabuur laga soo buuxiyay qarax, taas ayaana maanta keentay in la xoojiyo amaanka Xeebta Liido oo ay kajiraan dhaqdhaqaaq dhanka ganacsiga ah, waxaana kafuran maqaayado iyo baarar waaweyn, waxaana halkaas isugu yimaada qaar ka tirsan masuuliyiinta doowlada, qurba joog iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here