Amaanka Kismaayo oo aad loo adkeeyay, maxay tahay sababta?

KismaayoAmaanka magaalada Kismaayo, ayaa saakay si aad ah loo adkeeyay, iyadoo maanta lagu wado in la caleemo saaro M/weynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Waxaa qorshuhu yahay in 20-bishaan an ku guda jirno ee Jannaayo oo barri ku beegan in la caleemo saaro madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku-xigeenkiisa Jen.C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Waxaa maanta lugu wadda inuu Kismaayo sidoo kale gaaro Danjire Nicholas Kay iyo xubno uu hogaaminaayo,kuwaaso ka qeyb-galaya munaaasabad,waxaana xilligaan Kismaayo ku sugan wafuud kala gadisan oo ay ajaanib qeyb ka yihiin.

Sidoo kale Madaxda Puntland iyo dowladda faderaalka ayaa la sheegay inay qeyb ka noqon doonan madaxda ka qeyb-galaysa caleemo sarka madaxda maamulka Jubba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here