Alves oo ku booriyay Costa in uu u cayayo Brazil

326231_heroaDaniel Alves ayaa ugu baaqay cayaaryahan Diego Costa in uu si taxadar leh uga baaran dago go’aanka ku saabsan in uu matalo Spain ama Brazil.

Xiriirka kubadda cagta dalka Spain (RFEF) ayaa ku dhawaaqay horaantii bishan in weerar yahanka kooxda Atletico Madrid, oo ku dhashay magaalada Lagarto ee dalka Brazil balse dhawaan qaatay dhalashada dalka Spain in uu oggolaada in uu ka mid noqdo xulka qaranka Spain ee la Roja.

Si kastaba, Alves ayaa aaminsan in xidiggan ay muhiim u tahay in uu ku soo laabto halka uu ku dhashay, halkii uu u safan lahaa kooxda Spain.

“Waxan weydiin lahaa Diego Costa in uu qaato go’aan duman maxaa yeelay waa u muhiim in uu u cayaaro kooxda Brazil,” ayuu yiri 30-jirkan oo la soo xigtay war uu siiyay wargeyska AS.

Wuu sii hadlay wuxuu yiri  “ma ahan in aad noqoto cayaaryan goolal badan ka dhaliya horiyaalka Spain ee La Liga.

“Go’aankaaga waa mid si gaar ah ahmiyad kuu siinaya waxaa taahy qof aan qadariyo Diego Costa.

“Balse waxaan markale kuugu soo celinayaa in go’aankaaga uu noqdaa in aad ku soo laabato waddankaaga.

“Anniga kala lama hadlin Diego Costa go’aankiisa, maxaa yeelay ma rabo in aan faragalin ku sameeyo wuxuu isaga doonayo. Diego waan aqaan waxa u wanaagsan isaga.

“Haddii go’aankaaga uu noqdo in aad u cayaarto  with Spain, waa in aan tixgalinaa.

“Anniga shakhsi ahaan markii aan dib u eego khibradeeda markii aan joogay Sevilla  sannadkii 2006 waxaan go’aansaday in aan u cayaaro waddankeyga.”

Alves ayaa lix xilli ciyaareed ku qaatay Riazor kaddib markii uu ku biiray kooxda Barcelona xagaagii 2008.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here