Alves oo kooxdiisa Juventus ka caawiyay ineey gaarto Finalka Champion League

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Mario Mandzukic iyo Dani Alves ayaa guul weyn siiyay Juventus markaas oo ay 2-1 kaga adkaadeen kooxda As Monaco.

Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolka calanka As Monaco, balse kooxdiisa waxey ku hartay 4-1 isku cel-celiska labada kulan.

Juventus ayaa iska xaadirisay final-ka Champions League waana markii labaad oo ay gaarayaan sadexdii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay.

As Monaco ayaa si weyn ku bilowday kulankii kusoo dhamaaday Turin markaas oo ay maanka ku heysay iney ugu yaraan u baahan tahay guul weyn waxeyna cadaadis ku bilaabeen durba goolka Juventus.

As Monaco ayaa sameysay dadaal fiican oo ay ku dooneysay iney kusoo rogaal celiso, balse kooxda ka dhisan faransiiska wey ku hungowday iney sidaa sameyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here