Alves oo Juventus ugu hanjabay inuu isaga tagayo hadii aan…..

Iyadoo uusan hubneen mustaqbalkiisa xili ciyaareedka soo aadan ayaa Dani Alves waxa uu maamulka Juventus si cad ugu sheegay ineey heshiis cusub usoo bandhigaan ama uu qaban doono dhanka Horyaalka Ingiriiska oo si weyn looga doonayo.

Alves ayaa aad u doonaya inuu kusii sugnaado Turino, waxaana uu maamulka Juventus ka dalbaday in qandaraas cusub oo ilaa 2019 gaarayo laga saxiixo.

Alves ayaa Juventus kula jira qandaraas ku eg 2018, waxaana hadii aan qandaraas cusub loo soo bandhigin uu isha ku haayaa dalabyo uga imaanaya kooxaha ugu tunka weyn horyaalka Ingiriiska.

Alves oo hada 34 jir ah ayaa sanad cajiib ah la qaatay Juventus isagoo kula guuleeystay Sera A iyo Copa Italia, sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay in kooxdiisa soo gaarto kama dambeysta Champion League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here