Alshabaab oo xilkii ka qaaday wakiilkoodii Banaadir dibna ugu soo celisey guddoomiyihii hore ee Shiikh Cali Maxamed Xuseen

Bayaan ka soo baxay ururka Alshabaab xafiiskiisa siyaasadda iyo gobolada ayaa waxaa isbedel lagu sameeyey maamulka gobolka Banaadir ee ururka Alshabaab.

Guddoomiyihii hore ee ururka Alshabaab ee gobolka Banaadir Sh.Maxammed Xassan Cumar ” Abu Cabdi Raxmaan” ayaa laga qaaday xilkii maamulka gobolka Banaadir iyadoo dib loogu soo celiyey guddoomiyihii hore Sh .Cali Maxamed Xuseen.

Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa in ku dhow saddex sano wakiil ugaga ahaa gobolka Banaadir ururka Alshabaab hase yeeshee markii dambe laga qaaday xilka guddoomiyanimada.

Ururka Alshabaab ayaa u muuqda in uu isbedel ku samaynayo maamulada gobolada iyadoo inta badan deegaanadii uu maamulijirey ay gacantiisa ka baxeen hadana ku jira dagaalo jabhadeyn ah.

Dhowaan ayaa waxaa xilkii guddoomiyaha gobolka galguduud laga qaaday wakiilkii gobolkaa ee ururka iyadoo lagu wareejiyey Sh. Xasan Yacqub Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here