Alshabaab oo weerar kedis ah ku qaaday magaalada Beledweyne

Ciidamada ururka Alshabaab ee laga saaray magaalada Beledweyne ayaa xalay weerar kedis ah ku soo qaaday magaalada Beledweyne iyadoo iskahorimaad hubeysan uu ku dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya iyo kuwa ururka Alshabaab dhinaca bari ee magaalada Beledweyne.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa saddex ruux oo dhinacyada dagaalamayay ah iyadoo mid kamid ah ciidamada Alshabaab ee ku dhintey dagaalka la soo dhigey buundada magaalada Beledweyne.

Iskahorimaadkan ayaa dadka ku nool magaalada Beledweyne waxa ay ku abuurtay walwal iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay magaalada Beledweyne ay ahayd mid degen balse uu saaranyahay bandow subaxdii iyo habeenkii ah.

Dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay guryahooda ka soo bixi karaan marka la gaaro 12ka duhurnimo iyadoo inta ka horeysa ay tahay bandow aan la ogoleen dadka iyo gaadiidka inay wadooyinka maraan.