Alshabaab oo Sheegay inay Ciidamo Badan oo Kenyan ah Laayeen Dagaalkii Shalay Kana Gubeen Gawaari Sadex ah

Mid ka mid ah Dagaaladii ugu xooganaa ee Dhexmara Alshabaab iyo Ciidamada Kenya aya shalay ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa Bilowday marki Alshabaab soo qaadeen weerar xoogan, iyagoo ku qaaday fariisimo ay ciidamada Kenya ku sugnaayeen.

Alshabaab ayaa ka hadlay dagaalkii shalay, waxaana faah faahin ka bixiyay khasaaraha dagaalki shalay Gudoomiyaha Jubooyinka ee Xarakada Alshabaab.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Alshabaab ee Jubooyinka Sheekh Abuu Xudeyfa in ay dileen Ciidamo Tiradooda uu ku sheegay 40 askari, sidoo kale wuxuu sheegay inay ka gubeen gawaari sadex ah.

Gudoomiyaha oo u waramayay Idaacada Andulus ee ku hadasha Afka Shabaab ayaa sheegay in dagaalkaasii uu ahaa mid kharaar, wuxuuna sheegay wadadka inay alshabaab ku gacan sareeyeen dagaalka.

Wax war ah kama soo bixin Ciidamada Dolwada Kenya ee weerarka lagu qaaday, waxaana laga sugaya inay ka warbixiyaan wixii ka dhacay shalay galinkii dambo Gobolada Jubooyinka.

Xoogaga Alshababa tan iyo marki laga saaray Kismaayo waxa ay bilaabeen weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah, iyagoo khasaarooyin badan ku gaarsiiyay ciidamada ka soo horjeeda, waxaana sidoo kale Alshabaab iyagana ka soo gaara Khasaarooyin inta badan aan la arkin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here