Alonso oo soo dhaweeyay guusha Madrid ka keentay tartanka Yurub.

31-jirkan qadka dhexe ka ciyaara ayaa kooxdiisa waxa ay guul ka gaartay kooxda Turkiga ka dhisan ee Galatasaray oo 3-0 u dhivbeen ciyaar ka tirsan tartanka Champions League, and goalscorer Karim Benzema also had words of praise

Xidigga qadka dhexe ee Real Madrid, Xabi Alonso ayaa sheegay in ciyaartii xaley ee 3-0 kaga takhaluseen kooxda Galatasaray lugta horre ee Champions League quarterfinal-kiisa ee ka dhacday garoonka Bernabeu in ay muujineyso in wali kooxda ka qayb qaadan karto tantanka inta hadda ka dhiman..

Goolasha kooxda Spain ay ku derdertay kooxda Turkiga, waxa ay ka yimaadeen Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Gonzalo Higuain kuwaasoo hubanti ka dhigay in kooxda los Blancos in markan ay meel fiican gaari karto markii loo eego seddaxdii xilli ee ugu dambeeyay oo lagu reebay heerkan oo kale.

“Natiijadan waan sugeynay, maxaa yeelay meel fiican ayey na dhigeysaa oo aan gaari karnaa ,” ayuu u sheegay 31-jirkan mar uu la hadlaayay wariyaasha

Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Levante horiyaalka Spain ee Primera Division oo sabtida ay la lee dahay, ka hor inta ayan u safrin Tallaadada soo socota Turkiga halkaas oo lugta labaad ay ku soo ciyaari doonto.

Real Madrid in ay 3-0 kaga badiso kooxda Galatasaray, waxaa arrintaas soo dhoweeyay tababare Mourinho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here