Allegri:Barcelona waxaan ku samayn doonaa wixii ay Real ku samaysa

Indhaha caalamka oo dhan ayaa cawada kusii jeeda garoonka New Camp, iyadoo Barcelona ay cawada halkaas imtixaan adag kula yeelan doonto naadiga Ac-milan, wareega 16-ka Champion Legue.

Tababaraha kooxda Ac-milan “Allegri” oo hadlayay kahor kulanka cawada ay kooxdiisa ka hortagi doonto kooxda Barcelona, lugta labaad ee Champion League, ayaa sheegay inuu aad kalsooni ugu qabo in cawada ay ka guuleysan doonaan Barcelona markii labaad oo xiriir ah, kadib guushii 2/0 oo ay kaga soo adkaadeen garoonka Sansireo.

Allegri, ayaa ka dhawaajiyay in guushii Realmadrid ay isbuucii lasoo dhaafay 2 mar ka gaartay Barcelona, ay  isaga ku xanbaartay inuu Barcelona u fahmo ineey lamid tahay kooxaha kale ee caadiga ah islamarkaasna laga adkaan karo.

“Waxaa waajib nagu ah in aan cawada Barcelona ka reebno tartanka, waxaan soo bandhigi doonaa ciyaar wanaagsan, muhiimadeena waa guul, waxaa noo muuqda wixii ay Realmadrid samaysay….” Ayuu yiri Allegri.

Bojan Iyo Robinho ayaa lagu wadaa in cawada ay kusoo bilaawdan dhanka weerarka, halka Falamini iyo Mexez ay dib ugu soo laabteen dhaawacyo ay qabeen.

Laacibka dunida ugu wanaagsan waqtigan Loe Messi iyo saaxiibadiis Iniesta iyo Xavi, ayaa cawada u bahan ineey 3/o kaga adkaadaan kooxda Ac-milan oo lugtii hore kusoo garaacday 2/0, si ay ugu soo baxaan wareega 8, islamarkaasna ugu guleystaan tartankan markiisii 4aad oo sadex kamid ah ay ku geelysten 7dii sano ee ugu danbeysay.

Isbuucii lasoo dhaafay oo kaliya ayaa Barcelona waxaa soo gaaray 3 guul daro oo aad u xanuun badan, 2 kamid ah waxaa ka adkaday kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Realmadrid, halka mida kalena ay tahay guuldaradii kasoo gaartay Milan lugtoo koowaad ee tartanka Championka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here