Allegri oo ammaanay kooxda Milan

Tababaraha kooxda AC Milan manager Massimiliano Allegri ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay kooxdiisa in ay ka mid noqoto seddaxda koox ee ugu sareeya horiyaalka Serie A-da .

Milan ayaa soo degtay kaalinta seddaxaad ee horiyaalka kaddib markii Jimcihii dhawaa ay 2 iyo waxbo ku garaacday kooxda Genoa.

Illaa siddeed dhibic ayaa laga horreeyaa marka loo eego kooxda hoggaanka heysa ee Juventus.

Kooxdan ayaa 18-jeed ku guulasatay horiyaalka Talyaaniga  tan iyo markii kooxda Lazio ay guul daro kala kulantay bishii October.

Labo jeer ayaa laga badiyay 20-kii kulan ee ay ciyaartay tartanka horiyaalka ee hadda socda.

45-jirkan ayaa sheegay in ciyaar aad loo jecleestay ay soo bandhigeen kulankii ay la yeesheen kooxda Genoa.

Milan waxa ay hadda dareenkeeda uu ku jeedaa lugta labaad ee kulanka koobka kooxaha qaaradda Yurub ee salaasada soo socota marka ay la ciyaaraan kooxda ka ciyaarta horiyaalka Spain ee La Liga Barcelona taasoo ka dhaceysa garoonka Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here