Allegri: Cabsida ugu badan Isco ayay nooga imaaneysaa

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri, ayaa ka dhawaajiyay in cabsida ugu badan habeen dambe uga imaaneyso xidiga reer Spain ee Isco.

Massimiliano Allegri, ayaa qaba in marka uu Isco ciyaarayo ay aad u adagtahay in aqriyo qaab ciyaareedka Real Madrid.

Sidoo kale Allegri wuxuu sheegay in Bale xitaa qatartiisa uu leeyahay, balse wuxuu si qaas ah farta ugu goday in Isco uu ka halis badanyahay xidiga reer Wales, kaasoo ay u badantahay in Habeen dambe Kursiga keydka lagu soo bilaabo.

“Bale waa mid halis ah oo aad u dheereeya kooxdana wax badan siiya, balse Isco ayaa ah kan ka qatarsan ayna adagtahay in la aqriyo qaab ciyaareedka Real marka uu isagu ciyaarayo” ayuu yiri Allegri.

“Waa inaan Habeen dambe u ciyaarnaa si degan maskaxna ku dheehantahay, waa inaan sameeynaa wax walbo oo aan Real ku garaaci karno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Allegri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here