Allaha u naxariistee Meydka Madaxamed Ibraahim Raage oo lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee Marxuun Maxamed Ibraahin Raage ayaa barqanimadii maanta lagu aasay deegaanka Abaaydhaxan ee duleedka degmada Wadajir .

Aaska Maxamed Ibraahim Raage waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaarada Warfaafinta, Bahda saxaafada ,  Ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka.

Agaasimaha Idaacada Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddoow oo aaska kadib hadlay ayaa uga taxsiyeeyay ehelada marxuumka iyo bahda saxaafada geerida Marxuumka,  isagoo sheegay in Maxamad Ibraahim Raage ay dishay gacan ka gardaran wuxuuna ugu duceeyay in Allaah uu janadii Fardowsa ka waraabiyo.

1 COMMENT

  1. Waa wax lala yaabo in la dilo suxufiyiinta islamarkaasna saxaafada ay weli hadal heyso ama warkooda soo tabineyso kuwa laayay dadweynaha oo suxufiyiinta ay ka mid yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here