Alexandre Pato: Kama tagayo AC Milan

Weeraryahanka kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa sheegay inuusan ka tagi doonin Milan kadib marki si weyn loola xiriiriyey kooxda dhaqaalaha la wareegeyso ee Paris Saint-Germain.

Xidigan reer Brazil ayaa sanadki tagay ee 2011 hareeyey dhaawacyo kusoo laa laabtay, waxaana la saadaalinayey inuu ka tagi doono kooxda uu maamulo macalin Massimiliano Allegri.

Laakin Pato wuxuu xaqiijiyey sida uu daacada ugu yahay kooxdiisa, isaga oo la hadlay wariyaasha cadeyeyna inuusan aadi doonin kooxda PSG.
“Wali waxaan rabaa in aan koobab kula guuleysto kooxda, waxana aniga iyo Allegri leenahay hadaf guud kaasi oo ah in aan si wada jir ah u shaqeyno,: ayuu u sheegay Sky Sport 24.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa saadaalineysay in Pato uu la midoobi doono macalinkiisi hore Carlo Ancelotti oo todobaadkaan ku biiray kooxda PSG ee dalka Faransiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.