Macalinka Red Devils-ka Sir Alex Ferguson ayaa rajo fiican ka muujiyay in Rio Ferdinand uu la sii joogi doono kooxda Manchester United heshiis-ka uu kula joogo
24-jirkan ayaa heshiiskiisa waxaa uu dhacayaa xilli ciyaareedka hadda socda, waxana uu macalin Sirka yiri hal xilli ciyaareed kale ayuu jogi doona Old Trafford, sida uu sameeyay Ryan Giggs
Difaacii hore ee kooxaha West Ham iyo Leeds United, ayaa la sheegay in uusan weli kala cadeen in uu sii joogayo kooxda iyo in kale.
Ryan Giggs, ayaa heshiis cusub oo ah halsanno la gaaray kooxda Manchester Jimcihii la soo dhaafay.
Sir Alex wuxuu tilmaamay in arrintaas ay tahay mid wanaagsan oo ah cudud u yeelaya kooxda.
Kooxda Manchester United ayaa Tallaadada soo socota waxa marti u ah kooxda Jose Mourinho lugta labaad horiyaalka kooxaha Yurub.
Kulankan oo ka dhacaya Old Trafford, ayaa lugtii hore waxaa uu ka dhacay Bernabeu.
Labada koox ayaa mid kasta waxa ay dooneysaa in ay guul ka gaarto ciyaarta habeenka Talaadada.