Alex Ferguson oo ka fadhiisanaya shaqada uu ka hayo Manchester United

Kooxda Manchester United ayaa xaqiijisay in uu ka fadhiisan doono shaqada tababare Ferguson oo 26-sanno ku sugnaa kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford .

Manchester United waxa ay shaacisay tababare Sir Alex Ferguson in uu shaqada ka tagayo marka uu dhammaado xilli ciyaareedka hadda socda.

United-ka ayaa warkan ku shaacisay saaka aroortii Website-ka ay ku lee dahay Internet-ka, waxaana ay sheegeen in tababaraha reer Scotish-ka ee 71-jirka howsha uu ka soo qabtay kooxda aan marnaba la hilmaami doonin.

“Go’aanka aan uga fadhiisanaayo ciyaaraha waxa ay timid xilligii ugu wanaagsanaa oo uu sameen lahaa ruux heerkan soo gaaray,”ayuu sheegay Ferguson.

Wargeyska  Daily Mail oo warkan qoray Arbacada maanta ah, wuxuu lee yahay tababaraha intii uu la joogay kooxda waxaa uu kula guuleestay 38-koob,

Waxaa ku jirra 13 horiyaalka Ingiriiska  Barclays Premier League , labo Champions League ,shan  FA Cups iyo afar  koobka League Cups.

Sir Alex Ferguson ayaa helay dhaqaale kor u faadhaya $142m Manchester United,sida lagu sheegay suuqa saamiyada ee Maraykanka.

Kooxda ayaa dhaqaalaheeda wuxuu gaaray  4.75% ama $17.88.

Ciyaartoyda uu keenay Alex Ferguson garoonka Old Trafford waxaa ka mid ah Roy Keane, Peter Schmeichel, Cristiano Ronaldo, Eric Cantona, Ole Gunnar Solskjaer, Ruud van Nistelrooy, Jaap Stam.

Wuxuu noqday tababarihii ugu fiicnaa ee soo mara taarikhda kooxaha Ingiriiska gaar ahaan kooxda Manchester United FC.

Tababare Ferguson sida uu ugula guuleestay Man Utd koobabka

Horriuyaalka Ingiriiska ee Premier League wuxuu u qaaday laga billaabo sannadihii 1993, 1994, 1996, 1997, 1999, 2000, 2001, 2003, 2007, 2008, 2009, 2011, 2013.

Koobka FA Cup wuxuu kula guuleestay sannadihii 1990, 1994, 1996, 1999, 2004

Koobka League Cup wuxuu kula guuleestay sannadihii  1992, 2006, 2009, 2010

Tartanka kooxaha Yurub ee Champions League wuxuu kula guuleestay sannadihii 1999, 2008

Koobka Cup Winnerswuxuu kula guuleestay sannadihii Cup: 1991

Koobka kooxaha Fifa Club World Cup wuxuu kula guuleestay sannadkii 2008

Koobka Uefa Super Cup wuxuu kula guuleestay sannadki : 1992

Koobka Inter-Continental Cup wuxuu kula guuleestay sannadki 1999

Koobka FA Charity/Community Shield:  wuxuu kula guuleestay sannadihii 1990 (shared), 1993, 1994, 1996, 1997, 2003, 2007, 2008, 2010, 2011

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here