Alessandro Del Piero oo hambalyo iyo bogaadin u diray Francesco Totti

Rugcadaaga kubada cakta ee kooxda kooxda Juventus Alessandro Del Piero ayaa aad u amaanay kabtanka kooxda Roma Francesco Totti kadib marki uu todobaadkaan jebiyey rikoorka gool dhalinta horyaalka Talyaaniga.

Totti ayaa noqday ciyaaryahanka kaliyah ee hal koox u dhaliyey 210 gool, isaga oo rikoorkaasi ka qaatay weeraryahanki hore ee kooxda AC Milan Gunnar Nordahl, waxa uu sidaasi sameeyey marki uu laba gool u dhaliyey Sabtidi lasoo dhaafay Roma.

“Waxa uu sameeyey Francesco waa wax aan caadi aheyn, in aad 211 gool dhaliso adiga oo xiran hal shaar runti waa arin yaab leh, wuu u qalmaa ayaan leeyahay,” sidaa waxaa yiri Del Pierooo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Turin.

Kabtanka Juve ayaa dhanka kale ka hadlay kulanka adag ee ay la ciyaari doonaa kooxda Roma habeen danbe kaasi oo ka tirsan koobka Italian Cup.

Wuxuu ku tilmaamay kulan aan caadi aheyn, balse waxa uu ku adkeystay in ay doonayaan in ay shaqo wanaagsan ka qabtaan Roma si ay u gaaraan mid ka mid ah ahdaaftooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.