Alessandro del Piero oo guuldaro kusoo xiray waayihiisa Juventus iyo Napoli oo qaaday koobka Italian Cup + Sawiro

Weeraryahanka caanka ah ee dalka Talyaaniga Alessandro del Piero ayaa xalay macsalaameeyey taageerayaasha kooxda Juventus oo uu ku qarashgareeyey 19 sanadood iyo waayihiisii dahabiga ahaa ee kubada cakta, balse kooxda Napoli ayaa guuldaro ku sagootisa.

Juventus ayaa garoonka magaalada Roma ee  Stadio Olimpico kula ciyaartay finalka koobka la yiraahdo Coppa Italia ama Italian Cup kooxda dhalinyarada ah ee Napoli, waxaase guul weyn ka gaartay Napoli oo 2-0 ku badisay isla markaana soo af jartay rikoorka guuldaro la,aanta Juventus ee xilli ciyaareedkaan.

Del Piero oo haatan ah 37 jir ayey u aheyd kulanki xalay kii ugu danbeeyey ee uu ciyaaro isaga oo xiran shaarka madowga iyo cadaanka ee Juve, kadib marki uu naadiga kusoo biiray bishi September 1993 oo aheyd marki uu dheelay ciyaartiisi ugu horeeysay ee kooxda.

Waa ninka ugu safashada badan ee kooxda isaga oo kasoo muuqday 705 kulan, sidoo kale waa laacibka ugu gooldhaliska badan Juventus taariikhda inta gool dhaliye ee soo martay wuxuu shabaqa ku hubsaday  289, isaga oo  qaaday 19 koob oo uu ku jiro Koobka Aduunka ee ay Talyaaniga qaadeen sanadki 2006.

Del Piero ayaa la badalay daqiiqadii 68-aad markaas oo ay taageerayaasha oo dhan u istaageen iyaga oo lulaya sawiradiisa iyo boorar ay ku amaanayeen.


Marki uu kusoo biiray kooxda ayuuba muujiyey laacibtinimadiisa, kulanki labaad ee lasoo safay badal ayuu kusoo galay gool ayuuna dhaliyey, kii xigayna ciyaartooyda safka hore ayaa lasoo geliyey waxaana uu saxiixay sadex gool (hat-trick) sanadki 1993.

Kabtan Del Piero ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidigaha ugu caansan xulka Talyaaniga, waxa marki ugu horeysay lasoo qaatay sanadki 1995-ki wixi markaasi ka danbeeyey wuxuu ahaa safka hore isaga oo u saftay 91 kulan isla markaana saxiixay 27 goals.

Laacibkaan ayaa waxaa haatan ilgaar ah u leh kooxo badan oo doonaya kuwaasi oo kala ah Arsenal, Tottenham iyo Queens Park Rangers, sidoo kale kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka ayaa baadigoob ugu jirto.

Dhanka kale Napoli ayaa si weyn ugu dabaal dagtay hanashada koobkan oo ay ugu danbeysay 22 sano ka hor.


Labada gool waxaa kooxda Napoli u saxiixay Cavani iyo Hamsik, waxaana xalay oo dhan uu dabaal dag ka socday wadooyinka magaalada oo dhamaan laga wada taageero kooxdan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.