Al Zawahiri: Dowlada Mareykanka ayaa sababtay in Al Qacida Somalia ka dagaalanto

Hogaamiyaha Ururka Al Qacida Ayman Al Zawahiri ayaa cajalad maqal ah oo uu soo duubay kaga halay dagaalada ka socda Soomaaliya.

Zawahiri ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya ay keentay in Al Qacida ay ka dagaalanto Soomaaliya.

Mareykanka ayuu ku sheegay dal doonaya inuu gumeysto dhamaan dhulka Islaamka, isaga oo dagaalka Mareykanka ay ka wado Soomaaliya ku sheegay mid ay usoo adeegsatay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amisom.

Wuxuu ka hadlay ka bixisti Al Qaacida iyo Al Shabaab ee magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo uu ku sheegay in ay aheyd xeelad dagaal.

Al Qacida ayaa bishi hore ku dhawaaqday in ay isla midoobeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.