Al Shabab weerar dhabarjibin ah ku qaaday ciidanka Itoobiya iyo guulo ay labada dhinac kala sheeganayaan

Faah faahint ugu horeysay oo rasmi ah ayaa kasoo baxday dagaalo faraha loogaga gubtay oo xalay goorihi danbe ilaa saakay barqadi soo gaaray oo dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Yurukud oo ku yaala bartamaha gobolka Geddo halkaasi oo lagu soo waramayo in qasaaro fara badan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Qaar ka mid ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa lagu sameeyey weerar isugu jiray gaatin iyo dhabar jibin saakay goor hore, iyadoo dagaalkuna uu socday mudo afar saacadood ah.

Dagaalka maanta ayaa lagu tilmaamay kii ugu qasaaraha badnaa ee so gaara ciidanka Itoobiya tan iyo marki ay soo galeen dalka Soomaaliya bishi November ee sanadki hore.

War kasoo baxay Al-Shabab ayaa lagu sheegay in dagaalki saakay ay ku dileen 73 askari oo ka tirsan ciidanka Ethiopia, halka dowlada KMG Soomaaliya ay sheegatay in dagaalka ay ku dhinteen 48 xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.

Al Shabaab ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala Yurkud ka hor inta aysan weerarka gaatinta ah ku qaadin, waana tan keentay in dagaalka uu waqti dheer socdo qasaarahana uu bato.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay saacado kadib marki Midowga Africa uu ku dhawaaqay in ciidamada Ethiopia ay ka bixi doonaan magaalooyinka Beledweyne and Baidoa – oo ay dhawaan ka qabsadeen Al Shabaab.

Itoobiyaanka ayaa waxa badali doona ciidamo ka socda Midowga Africa oo ka kala imaan doona dalalka Djibouti, Uganda iyo Burundi dhamaadka bisha April, sida uu xaqiijiyey madaxa Gudiga Amaanka iyo Nabada ee Midowga Africa Ramtane Lamamra.

Ma cada in dhamaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan dalka iyo in ay qaarkood hari doonaan.

Ra’isulwasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa sheegay bishi January in ciidankiisu ay ka bixi doonaan Soomaaliya hadii la helo ciidamo ka socda Midowga Africa oo badala.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.