Al Shabab oo xalay dagaal ku qaaday magaalada Bandowga saaran ee dhuusamareeb

Dagaal ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasi oo u dhaxeeyey dagaalyahanada Ahlu Sunna iyo Al Shabab.

Dagaalka oo dhacay xalay saqdi dhexe uu marki hore ka bilowday duleedka magaalada kadib marki ay lugta kusoo galeen Al Shabab, iyadoo marki danbana la isla soo dhex galay gudaha magaalada.

Dadka deegaanka oo dagaaladi hore ka carari jiray ayeysan xalay u suura galin in ay baxaan, waxaana qof walba uu xabad dhigtay sariirta hoosteeda, sida uu kusoo waramayaan wariyaasha ku sugan Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, Macalin C/raxmaan Cali Geeda-qorow oo saakay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay iska difaaceen waxa uu ku tilmaamay kooxo qawaarij ah oo soo weeraray.

Geeda-qoroow wuxuu kaloo sheegay in ay ka dileen sadex nin oo ay meydkooda kaga carareen magaalada sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al shabab oo ku aadan weerarki ay xalay ku qaadeen degmada Dhuusamareeb, oo labadi habeen ee lasoo dhaafay ku jirtay bandoow.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.