Al Shabab oo wiil dhalinyara ah ku qisaasay degmada Ceelbuur

Al Shabaabka degmada Ceelbuur ayaa maanta meel fagaara ah ku qisaasay wiil dhalinyara ah oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeyn jiray ciidamada Itoobiya ee dhawaan halkaasi ka guuray.

Ninka la dilay oo la oran jiray Faarax Maxamed Wehliye ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaala Celebuur iyadoo ay daawanayeen boqolaal dadweyna ah kuwaas oo aanan soo bandhigi karin dareenkooda ku aadan sida ay u arkaan dilkaasi.

Sida ay wararku sheegayaan, wiilka la dilay ayaa waxaa dhalay gudoomiyihi hore ee degmada Ceelbuur ee dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Wehliye, waxaana maalmihi lasoo dhaafay uu u xirnaa Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa ku gowracay ilaa iyo shan ruux siyaabo kala duwan gudaha Ceelbuur tan iyo marki ay halkaasi ka baxeen ciidamada Itoobiya kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Ahlu Suna iyo ciidamada Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here