Al Shabab oo weerartay Afmadow

Kadib marki ay shalay ka qabsadeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada TFG-da Somaliay, ayey Al Shabaab maanta ku qaadeen duleedka Afmadow dagaal ku dhifoo ka dhaqaaq ah.

Dagaalka oo bilowday barqadi maanta ayaa la sheegayaa inuu ka danbeeyey ka gadaal marki ay weerar ku qaadeen Al Shabaab fariisimo ay ciidamada isgarabsanaya ka sameysteen duleedka Afmadow.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay wali maqlayaan dhawaqa rasaas iyo madaafiic dhaceysa iyadoo aanan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaaladaaasi.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Afmadow ayaa sheegaya in waxa ka socda Afmadow aanan lagu tilmaami karin dagaal balse ay jireen rasaas meel dheer loogaga soo tuuray oo iyaguna ay jawaab ka bixiyeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan arrintaasi, hase yeeshee sarkaal xalay u hadlay ayaa sheegay in ay uga baxeen xeelad dagaal degmada Afmadow.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ayaa shalay la wareegay maagalada Afmadow kadib dagaal ay duleedka kula deegaankaasi kula galeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.