Al Shabab oo weerar jid gal ah ku qaaday taliyaal ka tirsan ciidanka dowlada

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa maanta weerar jid gal ah ku qaaday gaadiid ay la socdeen abaanduulaha ciidanka milatariga dowlada iyo taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir.

Sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal ah, iska hor imaad mudo socday ayaa ka dhacay deegaanka Lafoole marki gaadiid galbineysay Qalif Axmed Erag taliyaha ciidanka nabadsugida ee gobolka Banaadir.

Weerarkaasi waxaa la sheegayaa inuu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac hase yeeshee lama oga inta uu qasaaraha la egyahay iyadoo ciidamadi la weeraray ay u gudbeen dhanka Afgooye.

Koox kale oo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ayaa jidka u gashay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Gen. Dhagaban iyo ilaaladiisa meel u dhaw Siinkadheer waxaana dhacay dagaal xoog leh.

Dhagabadan oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay in ciidankiisa laga dhaawacay laba askari, balse ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab.

Dhanka kalana ciidamada amaanka ee dowlada ayaa maanta howlgalo ka sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha.

Howlgalka oo ilaa iyo iminka socdo ayaa waxaa fuliyey ciidamada nabadsugida sida ay xaqiijinayaan wariyaal halkaasi ku sugan, waxaana durbaba lagu qab qabtay dad loogaga shakisanyahay Al Shabaab.

Taliska nabadsugida ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay taliyihi saldhiga Ceelasha ee Al Shabaab, hase yeeshee faah faahin kale kuma aysan darin ninkaasi iyo dadka kale ay hayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.