Al Shabab oo u hanjabay taliska cusub ee AMISOM

Ururuka Al Shabaab ayaa ku tilmaamay hogaanka cusub ee ciidanka AMISOM mid aanan waxba ka tari doonin weerarada ay ku hayaan Shabaab difaacyadooda.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay ay ku barteen AMISOM in ay badalaan taliyaasha shanti sano ee lasoo dhaafay oo ay Muqdisho ka dagaalamayeen, iminkana aysan waxba kusoo kordhin doonin hogaanka cusub.

“Isbadalka faraha badan ee ku imaanaya hogaanka AMISOM shanti sano ee ay joogtay waad dareemi kartaa, marko dhowr bil uu joogo oo uu taliyaha fashilmo waa la xaraashaa, mid kale ayaa la keenaa hadana waa la badalaa, waxaan idiin sheegayaa in gaaladaasi aysan mujaahidiinta waxba ka tari karin, mid cusub hala keeno ama yaanan la keenin dilka wuu ku socon doonaa,” ayuu yiri.

Dhanka kale Cali Dheere wuxuu soo dhaweeyey dil dhawaan gobolka Bari loogu geystay sarkaal South African ahaa balse madax u ahaa Hey’ad xaga amaanka ah oo lagu magacaabo Saracen .

Cali Dheere ayaa ku dhiiri geliyey qabaa,ilka iyo dhalinyarada ku nool gobolkaasi in ay laba laabaan dilalka waxa uu ku tilmaamay dadka gaalada ah.

“Waxaad la socotaan in deegaanka Isku-Shuban ee gobolka Bari lagi dilay sarkaalki u sareeyey Calooshood u shaqeystayaasha lagu magacaabo Hey’ada Caresan, dhalinyaradi fiiclkaasi sameeyey waan ugu hambalyeynayaa waxaana idin leeyahay gaalki ay aad aragtaan dila,” ayuu yiri.

Puntland ayaa war ay soo saartay shalay waxay ku sheegtay sarkaal la dilay inuu dhintay xilli uu socday howlgal ka dhan ahaa burcad badeed Jimcihi lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.