Al Shabab oo u hanjabay ergada xuleyso Baarlamaanka

Al Shabab ayaa ugu hanjabtay Ergada xuleyso baarlamaanka in ay dili doonaan, sidaasi si la mid ahna Ergadi Ansixisay Dastuurka.

Afhayeenka Al Shabab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in salaadiinta iyo odayaasha beelaha Soomaalida ee haatan ku lugta leh howlahaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aanan matali karin beelaha.

Wuxuu tusaale usoo qaatay  qabiilka uu ka dhashay ee Murusade oo uu sheegay in ergooyinka uga jiro aysan aheyn kuwi saxda ahaa.

“Odayaashan soo xulaya baarlamaanka ma ahan kuwi saxda ahaa, tusaale ahaan aniga qabiilka aan ka dhashay ma ahn odayaashi saxda ahaa ee waxa waaye kuwo horayba uga tirsanaa dowladi ridada ee Cabdulaahi Yusuf, qaarkoodna waxay ka yimaadeen qaarada Europe,”

Dhanka kale wuxuu sheegay in ay ugaarsanayaan odayaashi ansixiyey dastuurka, balse ay cafin doonaan inta ku dhawaaqdo in ay ka laabteen.

“Qolooyin gaaloobay oo ansixiyey dastuurka ayaa jira kuwaas waan dili doonaa, laakin hadii ay ka laabtaan oo ay dhahaan bari baan ka nahay oo iclaamiya isla markaana dhahay waan ka laabanay danbigaasi kuwaasi waa la dhaafayaa,”

Waa marki labaad oo ay Al Shabab iclaaminayaan in ay dilayaan ergooyinka ansixiyey dastuurka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here