Al Shabab oo u hanjabay ciidanka Jabuuti

Gudoomiyaha Al Shabab ee gobolka Hiiraan ayaa hanjabaad kulul u jeediyey ciidamada Jabuuti ee la filayo in la geeyo bisha soo aadan magaalada Baladweyne.

Yusuf Cali Ugaas oo Al Shabaabka u qaabilsan Hiiraan ayaa ku adkeystay in ay ku soo dhaweyn doonaan Jabuutiyaanka dagaal isaga oo intaasi raaciyey in ay ula mid yihiin sida ciidamada kale ee AMISOM ee jooga dalka.

Dowlada Jabuuti ayuu ku eedeeyey in ay la safatay dalalka kale ee ay Al Shabab u arkaan in ay cadaw ku yihiin Soomaaliya.

“Ciidamada la keeni doono ha noqdeen Jabuutiyaan ama Ugandes ama Burundi waan la dagaalami doonaa, Jabuuti waxay garab istaagtay cadawga oo ay u adeegayaan, marka guud ahaan waxaan uga jawaabeynaa dagaal oo aan iclaamineynaa ILAAH ayaana ugu dhawaaneynaa,” ayuu yiri.

Ciidamada Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay kala wareegaan magaalada Baladweyne ciidamada Itoobiyaanka, waxaa la filayaa in bisha soo aadan ay ka dagaan halkaasi, iyadoona ciidamadi ugu horeeyey ee ka socda Jabuuti ay Muqdisho yimaadeen  December 20, 2011.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.