Al Shabab oo Soomaaliya ka mamnuucday Hey’ada Islamic Relief

Xarakada Al Shabab ayaa ka mamnuucday meelaha ay ka maamusho Soomaaliya hey’ada fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ee Islamic Relief.

Islamic Relief ayaa aheyd hey’adi ugu danbeysay ee ka mid ah kuwa Reer Galbeedka ee ka shaqeysa deegaanada ay maamulaan Al Shabab, iyada oo wax ka qabaneysay arrimaha bani,aadanimada.

War kasoo baxay Al Shabab ayaa lagu sheegay  in Hey’adaan ay si qarsoodi ah u fulineysay howlaha hey’ado kale oo ay horay dalka uga mamnuuceen oo ay ku jirto hey’ada cunnada aduunka ee WFP.

Islamic Relief oo warkaasi ka jawaabeysa ayaa sheegtay in warka Al Shabab uusan wali si rasmi ah usoo gaarin xafiiskooda.

Warka kasoo baxay Al Shabab ee lagu mamnuucay hey’ada Islamic Releif ayaa waxaa lagu soo daabacay boga Al Shabab ee Twitter.

Islamic Relief waxay ka shaqeyneysay Soomaaliya tan iyo sanadki 2006, warka ay Al Shabab ku eedeeyeen ee ahaa in ay wakiil uga ahaayeen dalka WFp waxaa beeniyey agaasimaheeda Bariga Africa Iftikhar Shaheen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wali ay u baahanyihiin gargaar isugu jira cuno, biyo nadiif ah iyo dawo, dad gaaraya 1.3 million oo ku nool dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here