Al Shabab oo Soomaaliya ka mamnuucday hey’ada ICRC

Hey’ada Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ka mid noqotay hey’adaha caalamiga ah ee ay Al Shabab ka mamnuuceen in ay ka howlgalaan dalka Soomaaliya.

Qoraal saxaafadeed caawa kasoo baxay xafiiska la socodka dhaq dhaqaaqa hey’adaha caalamiga ah ee Al Shabab ayaa lagu sheegay in ICRC lagu helay danbi ah in ay ka qeybisay Soomaaliya raashin dhacay.

Waxa qoraalka lagu sheegay in qeybinta raashinkaasi dhacay ay ku keeni karto caruurta iyo haweenka nugul ee haatan kasoo kabanaya macluusha iyo abaaraha ku dhiftay Soomaaliya cudurada faafa.

Al Shabab ayaa sheegtay in sidaasi daraadeed ay ka mamnuuceen ICRC dhamaan gobolada ay maamusho ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, maadaama baa la yiri raashinki ay dhawaan qeybisay boqolkiiba 70 ay ahaayeen kuwo dhacay.

ICRC ayaa aheyd hey’ada kaliyah ee caalamiga ah ee ka shaqeyneysay deegaanada ay maamulaan Al Shabab, waxaase ka mamnuucida dalka uga horeeyey hey’adaha Qaramada Midoobay iyo hey’ado kale oo isugu jira caalami iyo maxalli.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.