Xarakada Al-shabaab ayaa siideysay labo qof oo Khamiistii todobaadkii hore ay ka xireen agagaarka maagalaad Wajeer ee Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho.
Guddoomiyaha Gobolka Wajeer Loyford Kibaara ayaa xaqiijiyay siideynta labada Qof oo uu sheegay in Al-shabaab ay u xireen kaddub markii ay diideen in ay bixiyaan lacago Sako ah oo ay Al-shabab qaadayeen.
Waxaa uu sheegay in Al-shabab ay Raggaas ka qaateen Lix Neef oo geel ah,kaddibna ay ka gudbeen sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiye Loyford Kibaara, ayaa sheegay in Dowladda dhexe ee Kenya ay ciidan badan geysay inta u dhaxeysa Gobolka Gedo iyo Gobolka Wajeer.
Todobaadkii hore Rag hubeysan oo saddex ah ayaa Haweeney Talyaani ah ka afduubtay agagaarka Lamu,waxaana Booliska Kenya ay sheegayaan in ay hadda gacanta ku hayaan xaaska mid ka mid ah Ragga wax afduubtay.