Al Shabab oo si kulul u weeraray go,aanadi kasoo baxay shirki Garoowe 2

Xarakada Al Shabab ee dhawaan la midowbay Al Qaacida ayaa si kulul u weerartay qodobadi kasoo baxay shirka Garoowe 2 ee habeen hore lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo wariyaasha kula hadlay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku tilmaamay shirki Garoowe mid baadil ah oo looga hadlay sidi lagu tir tiri lahaa jiritaanka umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu soo hadal qaaday doorka weyn ee laga siiray haweenka oo qaadan doono boqolkiiba sodon kuraasta baarlamaanka, taasi oo uu ku sheegay in lagu fitneynayo umada Soomaaliyeed laguna beegsanayo dhaqanka iyo diinta Soomaaliya.

“Shirki Garoowe wuxuu ahaa shir baadil ah, waxaa isugu tagay ashahaado la dirir iyo gaalo, waxaa looga hadlaayey sidi loo tirtiri lahaa shareecada Ilaahyee, waxaa la yiri 30% waxa ay noqonayaan haween baarlamaanka taasi macnaheedu waa diinta iyo dhaqanka umada in la tirtiro,” ayuu yiri Cali Dheere.

Ma ahan marki ugu horeysay oo ay Al Shabaab cambaareyso shirarka Soomaalida, horay ayey uga hortimid dhamaan shirarka iyo kulamadi ka dhacay dalka iyo dibada ee loogaga hadlay aayaha dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.