Al Shabab oo sheegtay qaraxi ismiidaaminta ee Muqdisho + Sawiradi qaraxa

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay weerar isqarxin ahaa oo maanta lagu qaaday maqaayad u dhaw hotelka Muna ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al Shabaab, C/casiis Abu Muscab oo caawa shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ay ku laayeen weerarki maanta xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada BS-ta sida uu hadalka u dhigay.

“Mujaahidiinta waxay weerareen hotel Muna oo ku yaala degmada Xamar Weyne, hada ka hor mujaahidiinta waxay ku laayeen nimanka sharci dajiyaasha isku magacaabay ee Ilaaheey kula doodayo sharciga, weerarki galabta wuxuu u dhacay sidi uu Ilaaheey u qorsheeyey, dhimashada waxa weeye 15 waxaana ku baabi,inay nimanka jawaasiista ee loo yaqaano BS-ta,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu baneeyey dhiiga xildhibaanada dowlada iyo ciidamada oo uu ku sheegay in ay diinta ka baxeen.

“Nimankaan in la laayo waa xaq waana banaantahay maadaama ay gaaloobeen, waxay sameysteen waxay ku sheegeen tastuuro oo Ilaaheey ayey u shariik yeeleen, mujaahidiintana kama daali doonaan in ay laayaan,”

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 11 ruux oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo badan balse ay ku jireen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. WAXAA LA YAAB LE NINKA IS KU MAGACAABAY C/casiis Abu Muscab WAXOW LEYAHAY WAXAAN LEYNAY TAD KA BAXAY DIINTA ISLAAMKA HADII DINTA LAGA BAXO IYO HADIIKALE ASAGA
    YAA MASUUL UGA DHIGAY DIINTA INOW KU SOO CELIYO TAD KA KA BAXY DINTA MIYONSAN OGEEN INEY KA SOO DEGTAY SURAD DHAN OO KA HADLEYSO GAALAD IYO ISLAAMKA OO LA YIRAAHO KHUL YAA AHLUL KAAFIRUN NINKA OW YIRAAHASA WAA AMIIRKEYGA OO LAKU MAGACABO AXMAD GUDANE MA WOWSAN AHEN NINKI CAAYI JIRAY DIINTA IYO NABIGA OO

Comments are closed.