Al Shabab oo sheegtay qaraxi ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Madaxtooyada

Ururka Al Shabaab ee dhawaan la midowday Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen weerarki ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay albaabka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka hadlay idaacad ku hadasho Al Shabaab ayaa tilmaamay in weerarka uu ahaa weerar qorsheysan, waxay kale oo ay sheegeen in ay ku dileen 16 ruux oo u badnaa askar iyo shaqaale ka tirsanaa xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka.

Shabaabka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu bilow u yahay weeraro ay u qorsheeysteen in ay ku qaadaan xarunta madaxtooyada sida ay hadalka u dhigeeen.

War hada nasoo gaarayna waxa uu sheegayaa in ciidamada kala duwan ee dowlada ay wadaan baaritaano ku aadan qaraxaasi.

Taliyaha ciidanka Laanta Danbibaarista dowlada KMG Soomaaliya, C/laahi Xasan Bariise ayaa u sheegay wariyaasha in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sababta uu ninka is qarxiyey kusoo galay gudaha madaxtooyada.

“Inta aan aragnay lix qof oo dhaawac ah iyo laba qof oo dhimatay oo ka mid ahaa dadki shaahiga ka cabayey maqaayada iyo shaqsigi is qarxiyey, baaritaanka ayaa wadnaa wax faah faahin ah oo lagu dari karo ma lahan” ayuu yiri C/laahi Xasan Bariise.

Waa qaraxi ugu horeeyey ee ka dhaca meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.