Al Shabab oo sheegtay in qaraxi Tiyaatarka ay u fududeeyeen madax ka tirsan dowlada

Al Shabaab ayaa mar kale ka hadashay qaraxi ismiidaamiska ahaa oo ay ka fulisay 4-ti bishan April Tiyaatarka Qaranka, iyada oo sheegtay in madax ka tirsan dowlada KMG ay u fududeysay falkaasi.

Gudoomiyaha Shabaab ugu qaabilsan gobolka Banaadir, Maxamed Abu Cabdalla oo la hadlayey Radio Andalus oo ah idaaacada kuhadasho codka Shabab, ayaa sheegay in qaraxi Tiyaatarka Qaranka ay u suura galiyeen rag ka tirsan dowlada KMG.

Hase yeeshee mas,uulkan muusan magac dhabin ragaasi u fududeeyey, isaga oo intaasi ku daray in ay wadi doonaan weerarada is qarxinta ah ee ay la beegsanayaan madaxda dowlada.

Maalmahan ayaa waxaa ka dhex jiray dowlada KMG ah isku eedeyn ku aadan dayacnaanta iyo u fududeyn suurtagal ah in ragka tirsan dowlada ay ka danbeeyeen, waxaana madaxweynaha uu mas,uuliyada qaraxa ku eedeeyey wasaarada warfaafinta.

Wasiirka warfaafinta ayaa arintaasi beeniyey isaga oo dusha uga tuuray hey’adaha amaanka in ay ka gaabiyeen waajibaadkoodii.