Al Shabab oo sheegay in ay hub fara badan ka heleen Siinkadheer

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka heleen deegaanka Siinkadheer ee duleedka magaalada Muqdisho hub fara badan oo lagu aasay guri ku yaala halkaasi.

Afhayeenka Al Shabab, C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay ka heleen god ku dhex yaala gurigaasi hubki ugu badnaa ee waayahaan soo mara, isaga oo ku sheegayna hubkaasi in ay lahaayeen cadawga sida uu hadalka u dhigay.

Cadawga muusan faah faahin wuxuu kala jeeday, balse dadka qaar ayaa u fasirtay dowlada KMG Soomaaliya iyo ciidamada ajnabiga ah ee la safan.

“Mujaahidiintu howlgal ayey ka sameeyeen Siinkadheer, guri weyn oo meeshaasi ku yaala gudihiisa, waxaan ka helnay god ay ka buuxeen hub iyo rasaas, waxaana ku tilmaami karnaa keydki ugu weynaa oo aan ka helno waayahaan Soomaaliya,” ayuu yiri.

Lama oga cida iska leh hubkaasi, iyadoo dadka qaar ay su,aalooyin iska weydinayaan sida ay ku suura gali karto in dowlada KMG Soomaaliya ama ciidamada ajnabiga ah ay hub ugu qarsadaan Siinkadheer oo ku dhexyaala caloosha deegaanada ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.