Al Shabab oo qalabki kala baxay Ceelbiyoodyo ku yaalay deegaanka NO:50

Wararka naga soo gaaraya deegaanka KM-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay lasoo gudboonaatay xaalad biyo la,aaneed kadib marki matooradi ceelasha shubi jiray ay baxsadeen Al Shabaab.

Dad kala duwan oo ka tirsan deegaanka oo magacyadooda qariyey sababo xaga amaankooda ah ayaa sheegay in tan iyo xalay ilaa saakay ay dagaalyanao ka tirsan Al Shabaab ay furfurasho ka hayeen labo ceel oo ay dadka biyo ka cabi jireen.

Dadka ayaanan wali garan sababaha ka danbeeyo in ay damiyaan ceelashaasi dagaalyahanadaasi u nasab sheegta Al Shabaab.

Dhowr jeer ayaa lagu eedeeyey ciidamo ka tirsan Al Shabaab in ka qaateen qalab iyo matooro ceelalal ku yaala meelo kala duwan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.