Al Shabab oo marki ugu horeysay qiratay in ay ku qaldanyihiin qaraxyada ay ku laynayaan dadka rayidka ah(Dhageyso)

Xarakada AL Shabab ayaa marki ugu horeysay qalad ku tilmaantay in qarax lala eegto dad muslimiin ah oo aanan waxba galabsan sida ay inta badan ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.

Isaga oo su,aaloouin uga jawaabayey raageerayaasha Al Shabab ee ku kulmay qadka wada sheekeysiga ee Baltalk ayuu afhayeenka Al Shabab Sheekh Cali Dheere ku tilmaamay wax qalad ah in dad masaakiin ah la laayo iyadoo hadafku yahay in la beegsado nin gaal ah.

“Waa wax qalad ah in ay dhintaan 20 ruux ama xitaa shan ruux oo muslimiin ah iyadoo hadafku yahay in la dilo askari murtad ah ama askari ka mid ah gaalada nagu soo duushay, anaga taasi waan iskla ilaalinaa inta badan waxaa laakin dhacada in aan layno 100 ka mid ah dowlada ridada iyo gaalada kale markaasi oo uu ku dhinto qof muslim ah oo jidka iska marayey,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

AL Shabab ayaa lagu xasuustaa qaraxyadi ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya oo ay ku laayeen boqolaal ruux oo Soomaali ah oo aanan waxba galabsan iyaga oo hadafkoodu ahaa in ay beegsadaan madax ka tirsan dowlada.

Dhageyso wareysigii Sheekh Cali Dheere

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2011/12/sh.cali-dheere26.12.11.mp3″]

Waa marki ugu horeysay oo ay ka hadlaan dilalka dasdka rayidka ah ee Soomaaliyeed ay u geystaan AL SHabab marka ay doonayaan in ay shir qool ku dilaan madaxda dowlada KMG Soomaaliya ama askarta dowlada iyo kuwa shisheeye ee jooga magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.