Al Shabab oo lagu eedeeyey in ay si qasab ah caruur ku askareeyeen

Hey’ada Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay Al Shabaab in ay ku qasabaan in ay u dagaalamaan caruurta Soomaaliyeed.

Warbixin ay soo saartay ayey ku sheegtay in caruurta ay ka ugaarsadaan guryaha, Iskuulada iyo goobaha ay ku ciyaaraan kuwaasi oo u badan 10-jirada.

Waxay sheegtay hey’ada in caruur aanan tiradooda la qiyaasin ay dagaal geliyeen Al Shabaab labadi sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalana qaarkood la geliyey furunta hore ee dagaalada.

Hey’ada Human Rights Watch waxay kale oo ay sheegtay in Al Shabaab ay gabdhaha yar yar ee hada soo baxaya ku qasbaan in ay guursadaan.

Hey’adaan xarunteedu tahay magaalada New York ayaa sheegtay in 70 caruur ah oo dhamaantood Iskuul dhiganayey lasoo qafaalay kadibna la askareeyey.

Qaarkood ayaa la siiyey tababaro sadex bilood ah iyaga oo xitaa la baray sida hubka loo rido iyo qaraxyada, halka kuwo kalana la tusiyey iyada oo dad la dilayo.

Al-Shabab ayaa maamusha inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.