Al Shabab oo lacago badan kusoo rogay hey’adaha gargaarka ee ka howlgala Jowhar

Maamulka Al Shabab ee ka arrimiya magaalada Jowhar ayaa ku amray hey’adaha samafalka ee ka howlgala magaalada in midiiba ay bixiso lacago dhan $ 14,000.

Sadexda Hey’adood ee ugu waaweyn oo laba ka mid ahi gacanta ku haya isbitaalada magaalada Intersos iyo MSF Spain ayuu maamulka ku amaray in ay iibiyaan qoryo hub iyo rasaas ay sheegeen in lagu difaacayo magaalada.

Saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah Hey’adahaasi oo ka gaabsaday in magacooda lasoo xigto ayaa sheegay in tani ay culeys ku tahay bixinta lacagahaasi maadaama ay mudo laga joogo afar bilood sidaan oo kale u dhiiben lacago ka badan 10 kun oo doolar oo ay ku amreen Shabaabka Jowhar.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan, Heyadaha Cefa iyo MSF Spain ayaa bixiyey lacagaha kadib marki ay shaqaalaha kala duwan ee hey’adahaasi ay iska aruuriyeen inta kalana uu maamulka dhiibay.

Waxaase aanan wali wax lacago ah dhiibin Hey’ada Intersos oo gacanta ku huyso Isbitaal goboleedka Magaalada Jowhar kaas oo ah isbitaalka ugu weyn uguna muhiimsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al Shababka Jowhar ayaa ku jiro xaalad dagaal kadib marki ay ciidamada Dowlada Dowlada iyo AMISOM ay qabsadeen degmooyinka Balcad iyo Warsheekh oo ka tirsan Sh/dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here