Al Shabab oo ku hanjabay in ay weerari doonaan shirka ka dhici doono Garoowe

Sarkaal ka tirsan Shabaabka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ku hanjabay in ay weerari doonaan shirka wadatashiga aayaha Soomaliya ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Garoowe.

Sarkaalkani oo lagu magacaabo Macalin Xaashi ayaa ku eedeeyey maamul goboleedka Puntland maamul cunsiri ah aadna u neceb dadka ay ka muuqato sunnada inta badana laaya ama xira dadkaasi ayuu yiri.

Waxa uu ka codsaday dagaalyahanada Al Shabab ee ku sugan gobolada Puntland in ay carqaladeeyaan oo ay weeraraan shirka ama ay dhibaatooyin ka geystaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa kusii qul qulaya ergooyinka ka qeybgalaya shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.