Al Shabab oo ka hadlay duqeynti shalay loo geystay Buula Xaaji

Ururka Al Shabab ayaa marki ugu horeysay ka hadlay duqeyn ba,an oo ay shalay diyaaradaha dagaalka Kenya u geysteen Tuulada Buula Xaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Gudoomiyaha magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa ku tilmaamay weerarki shalay ee Buula Xaaji weerar fulaynima ah, isaga oo beeniyey in uu qasaaro kasoo gaaray dagaalyahano ka tirsan Al Shabab.

“Tuulada Buula xaji waxaa soo weeraray ciidamada gaalada 30 gantaal ayey ku dhifteen, kaliyah waxaa ku shahiiday maamo waayeel ah, meelo kale oo badan oo ay duqeyeen waa ay jirtay,” ayuu yiri.

Duqeynti loo geystay Buula Xaaji waxay aheyd duqeyn si daran loogu beegsaday deegaanka sida ay sheegayaan dad goob joog ah, waxaana inta badan gantaalaha lagu garaacay duleedka magaalada iyo saldhig ay Al Shabab ku leeyihiin deegaankaasi.

Kenya ayaa maalmihi lasoo dhaafay duqeynmo xiriir ah oo aan kala go,laheyn ku waday gobolada Jubooyinka iyo Gedo, iyada oo laysay dad rayid ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.