Al Shabab oo isaga baxay Xudur iyo ciidamada isgarabsanaya oo kusii socda

Dagaalyahanada AL Shabaab ayaa isaga baxay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool kadib marki ay ogaadeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowlada KMG in ay kusoo socdaan.

Al Shabab shalay waxay dagaal kala hor tageen ciidankaan oo ay isku qabteen meel lagu magacaabo Teed oo u dhaxeysa deegaanada Ceelbarde iyo Xudur, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal socday laba saacadood.

Wararka saakay aanu ka heleyno Xudur ayaa sheegaya in xalay saqdi dhexe ay isaga baxeen dhamaan maamulki iyo dagaalyanadi Shabab ee maamulayey magaalada, kuwaasi oo u dhaqaaqay deegaanada kale ee gobolka Bakool.

Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ay gudaha u galaan magaalada dagaal la,aan, inkastoo mar walba la filan karo iska hor imaad.

Hadii ay qabsadaan waxya noqoneysaa magaaladi sadexaad oo muhiim ah oo ay ciidanka dowlada Itoobiya qabanayaan tan iyo sanadkan cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.