Al Shabab oo isaga baxay magaalada Kismaayo

Xarakada Al Shabab ayaa sadex jiho uga baxay magaalada Kismaayo kadib marki ay shalay dhinaca xeebta ay soo dageen ciidamada huwanta ah ee ka socda AMISOM iyo kuwa Dowlada.

Dadka deegaanka ayaa saakay kusoo toosay iyadoo ay marantahay xafiisyadi maamulka, saldhiga booliska, xabsiga iyo fariisimihi kale ee ay Al Shabab ka joogeen magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in ay bililaqo ka socoto xarunta degmada ee ku taala xaafada Calanleey, iyo xarunta maamulka gobolka oo aanan sidaasi uga sii fogeyn saldhiga boolisa.

Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabab oo ay ku xaqiijinayaan in ay ka baxeen magaalada, laakin dadka waxay ku adkeysanayaan in magaalada aysan ku arkin ilaa iyo hada askari ka tirsan Al Shabab.

Magaalada ayaa wali cabsi ku jirto, iyadoo ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo Dowlada ay joogaan halki ay shalay ka dageen ee dhinaca xeebta, balse waxaa la filayaa in ay magaalada qeybaheeda kale ku faafaan.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here