Al Shabab oo hogaan u magacawday dagaalyahanada Kenya kaga soo biiray

Ururka Al Shabaab ayaa hogaamiye u magacawday Cumar Imam Cali dagaalyahanada Kenyanka ah ee kusoo biiray safkooda dagaalka.

Cajalad muuqaal ah oo ay ku baahiyeen boga Youtube iyo bar internet ah oo ay gaar u leeyihiin Al Shabab ayuu kasoo dhex muuqday  Sheikh Ahmed Iman Ali kaasi oo sheegtay inuu yahay hogaamiyaha dagaalyahadana Al Shabaab ee Kenya.

Cajalada uu duubay wadaadkaan Kenyanka ah oo cinwaan looga dhigay: ‘Hadii aad ALLE u gargaarto isagana waa kuu gargaarayaa’ ayuu kaga hadlay dagaalada u dhaxeeya Kenya iyo AL Shabaab.

Sheekh Imam ayaa sheegay in dagaalka jihaadiga ah ee hada ay ku jirto Kenya kana socdo gudaha Kenya ay jawaab u tahay duulaanka ay Kenyanka kusoo qaadeen Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“Kenya waxay shaacisay dagaal ka dhan ah Soomaaliya sidaasi daraadeed jihaadka hada waxa uu ku socdaa Kenya si joogta ah kaasi oo ah dagaal banaan,” ayuu yiri Sheikh Ali oo fiidiyo ku duubay qudbad dheer.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalka ay Kenya ka wado Soomaaliya inuusan aheyn mid ka dhan ah Al-Qaeda, Al-Shabaab ama argagixiso balse uu yahay mid ay u adeegsatay in ay runta ku daboosho.

Warbixin ay kooxda xaqiiqo raadinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea soo saareen dhawaan ayey ku sheegay in Sheikh Omar Imam Ali oo horay u ahaa gudoomiyaha Xarunta Dhalinyarada Muslmiinta Kenya ee Pumwani magaalada Nairobi uu ugu horeeyey dadki askar qorista ugu qaabilsanaa Xarakada AL Shabaab ee dalka Kenya, isaga oo ka waday Kenya dhalinyaro badan.

Warbixinta ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay lacago badan ku bixisay sidi ay dhalinyaro uga qoran laheyd Kenya taasi oo ay ku guuleysatay iyada oo ka sameysay shabakado dadka lagu tababaro gudaha iyo dibada Kenya taasi oo lagu barayo dadka dagaalada jihaadiga ah.