Al Shabab oo galabta magaalada Marka ku toogtay askari ciidankooda ka tirsanaa

Askari ka tirsanaa Al Shabaab ayaa galabta lagu toogtay fagaara ku yaala Magaalada Marka ee caasimada gobolka Shabeelaha Hoose.

Ninka la toogtay oo lagu magacaabi jiray Nuur Jeeylaani Aadan ayaa lagu helay danbi inuu dilay qof rayid ah oo ka tirsanaa dadka deegaanka, waxaana xakuntay maxkamada magaalada Marka.

Qaadiga maxkamada ayaa goobta ka aqriyey cadeymaha iyo marqaatiyaasha loo helay dacwada gacan ku dhiiglaha oo horay uga tirsanaa Al Shabab iyo sidoo kale cadeymo uu ku qirtay inuu dilay, sidoo kale maxkamada waxay sheegtay in qoyska dhalay marxuumka horay loo dilay in ay codsadeen in loo qisaaso askariga.

AL Shabab ayaa horay u dishay askar ka tirsan ciidankooda oo lagu helay danbiyo ah in ay dileen dad rayid ah ama asxaabta ay iskula jiraan Xarakada Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.