Al Shabab oo ciidamo ku guray shalay iyo xalay magaalada Kismaayo

Xarakada Al Shabab ayaa shalay ilaa iyo xalay isugu geysay magaalada Kismaayo ciidamo fara badan si ay magaalada uga difaacdaan ciidamada huwanta ah.

Wararka ayaa sheegaya in xalay ay magaalada galeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah iyo kuwo kale oo waday dagaalyahano badan oo ka baxay deegaanada kale ee Jubooyinka iyo magaalooyinka gobolka Shabeelaha Hoose,

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Al Shabab ayaa tilmaamay in Kismaayo ay hada joogaan kumanaan dagaalyahano ah oo isaga kala yimid dhamaan deegaanadi ay horay u qabsatay Dowlada ee gobolada Jubada Hoose, Gedo, iyo Shabeelaha Hoose, waxaana ay difaacyo ka sameysteen magaalada banaankeeda iyo gudaheeda.

Sidoo kale daaraha dhaadheer ee Kismaayo ayey la koreen hubka meelaha fog wax ka toogta iyo qoryaha boobayaasha, waxaana tani ay muujineysaa in Kismaayo aysan huri doonin dagaal lagu hoobto.

Inkastoo ay dad badani ka barakaceen, hadana waxaa la leeyahay magaalada waxaa wali ku sugan kumanaan kun oo ruux.

Saraakiisha Shabab ayaa ugu baaqay dagaalyahanadooda iyo dadka deegaanka in ay galaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here