Al Shabab: Mahiga ayaa madaxweyne ka ah Soomaaliya

Xarakada  Al Shabaab sheegtay in madaxweynaha xiligaan ka taliya uu yahay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahigaaa.

Gudoomiyaha Al Shabaab ugu qaabilsan Gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Abu Cabdalla ayaa sheegay in Mahiga uu u howlgalo sida madaxweyne oo kale, isaga oo tusaale usoo qaatay sida uu xafiiskiisa ugu soo diyaariyey dastuurka qabyo-qoraalka sida uu hadalka u dhigay.

“Mahiga waeaamirta iyagaa soo saaro oo qolyaha murtadiidna u keenay tastuurka, qaarkood ayaa diiday markaasuu u hanjabay, marka waxaa arintaasi nooga soo baxday in Mahiga uu ka taliyo oo uu yahay ninka kaliyah ee madaxweynaha ah,” ayuu yiri.

Isaga oo ka hadlayey taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM ee shalay la wareegay hogaanka ayuu sheegay inuusan waxba kusoo kordhin doonin dagaalada ay Shabaab ka wadaan wadanka.

“Gaalada shan sano ayey wadanka joogaan oo ay dhahayeen waxaan gaari doonaa gobolk hebel walina Muqdisho ayey joogaan, arintaa marka waxay tuseysaa guuldarada soo gaartay oo nin kasta oo ay keenaan uu ku fashilmayo howlgalka,”

Galiyaha cusub ee AMISOM,  Lieutenant General Andrew Gutti ayaa shalay kala wareegay xilka taliyihi hore Freg Mugisha, isaga oo sheegay qibrada uu u leeyahay ciidamada in ay ka saacidi doonto nabad kusoo dabaalida Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.