Al Shabab iyo ciidanka dowlada oo madaafiic isku weydaarsaday Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhaceen duqeymo ay ciidamada dowlada iyo Al Shabab isku weydaarteen.

Duqeynta oo ka argigixisay dadka reer Baladweyne ayaa ka danbeysay marki ay Al Shabaab hoobiyaal ku weerareen saldhig ay ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin xaafada Xaafada Suuqa Xoolaha.

Sarkaal u hadlay ciidanka dowlada oo lagu magacaabo Abuukar Ibrahim ayaa sheegay in ay jawaab ka bixiyeen duqeynta isaga oo intaasi ku daray oo ay iyana garneelo ku garaaceen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mr, Ibrahim in marki danbana uu dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac kaasi oo marki danbe kusoo gaba gaboobay in ay dib u laabtaan kooxihi weerarka soo qaaday.

“Walaalow kooxihi nabadiidka ayaa soo weeraray waxay nagu soo tuureen Hoobiyaal oo ay kasoo tuureen halka loo yaqaano Burka Diitaale, hoobiyaashaasi waxay kusoo dhaceen xaafada Suuqa Xoolaha, kadib dagaal ayey soo qaadeen waxaana ka hor tagay ciidamadeena oo ka qabsaday hub,” ayuu yiri.

Baladweyne ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.