Al Shabab iyo ciidamada dowlada oo saakay ku dagaalamay degmada Kaaraan

Dagaal soo noq noqday xalay iyo saakay ayaa ka dhacay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Dagaalka oo xalay saqdi dhexe ka dhacay fariisinka hore ee ciidamada dowlada iyo Amisom ku leeyihiin Jamhuuriyada ayaa marki danbe isu badalay madaafiic ay cirka ku ifiyeen ciidamada Amisom.

Saakayna waxaa dib usoo rogaal celiyey Al Shabaab oo weerar xoog leh ku qaaday fariisimaha ciidamada dowlada ee Jamhuuriyada halkaas oo uu ka dhacay dagaal in cabaar ah ka socday.

Wararka ayaa sheegaya in ay ku dhinteen 4 ruux oo labada dhinac ah halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray labada dhinac.

Wali lama oga qasaaro kasoo gaaray dadka rayidka ah ee degan xaafadaha lagu dagaalamay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.