Al Shabaab ayaa soo bandhigay hub ay ka qabsadeen ciidamada Kenya

Al Shabaab ayaa soo bandhigay sida ay sheegeen hub ay ka qabsadeen ciidamada dalka Kenya .

Ciidamada dalka Kenya ayaa dhawaan soo galay dalka Soomaliya si ay uga qayb qataan  dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, dowladda Kenya ayaa sheegtay in Shabaabka dhawaan dhibaatooyin ka geestay gudaha dalka Kenya.

Al Shabaabka ayaa sheegay in dagalkii ka  dhacay Xayo oo u dhaxeeyso Taabto iyo Qooqaani ee Jubbada Hoose 2dii  December  ay ku qabsadeen hubka ay soo bandhigeen halkaas oo ay sheegeen in ay u geesteen ciidamada dalka Kenya jab weyn.

Dowladda Kenya ayaa weli ka hadli  dagaalkaas Xayo iyo in hub looga qabsaday iyo in kale.

Ciidamada  Kenya ayaa Soomaliya soo galay horaantii bishii Oktoobar ayagoo sheegay in ay sameynayaan xeendaab ama dhul ka aamin ah in lagu soo gabo iyo in ay burburiyaan meelaha  ay ka soo duulayaan Shabaabka.

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com